600 Deg Deg Daawo:Xildhibaanadii Mooshinka Waday iyo Gudoomiye Mursal Oo Madaxtooyada Ku Kulmay Caawa, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo:Xildhibaanadii Mooshinka Waday iyo Gudoomiye Mursal Oo Madaxtooyada Ku Kulmay Caawa,

Muqdisho{Khaatumonews}Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo xildhibaano kale oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo ayaa 24 saac kadib la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka gurigiisa oo ku yaala madaxtooyada lagu jaray dhagxaan badan, isaga oo sheegay inay ka boodeen dhagxaanta kadibna ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka.

Wuxuu Nasiib darro ku tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka laga hor istaago inuu la kulmo xildhibaanada mucaaradka ah, taasina ay caqabad ku tahay hanaanka dowladnimo ee dalka.

In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada”

“Waa nasiib daro runtii in sidaas loola dhaqmo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ah shaqsiga labaad ee dalka. Waxaa ii muuqda ififaalo muujinaya in dalkaani god mugdi ah lagu ridayo. Dhamaan sharciyadii yaraa ee dalkaan la iskula hayayna laga tilaabsaday. Lkn waxaan cod dheer ku leenahay yeeli mayno mana yeeli doono caburin iyo cago juglayn. Soomaaliyana in xoog lagu maamulo ma suurogeli doonto inshaa’allaah” ayuu yiri Mahad Salaad.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA
Deg Deg Daawo; Booliska Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay
- Jan 18, 2021
Booliska wadanka Keyna Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Alshabab Lacag Ka Dhacay https://www.youtube.com/watch?v=dttG-WKO_c4
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...