Deg Deg Daawo Video:-Siyaasigii Waday Lacagtii Farmaajo Lagu Ridilahaa Oo Xamar Si Weyn Loogu Soodhaweyay,

Muqdisho{Khaatumo News} SiyaasiC/raxman Cabdi Shakuur Warsame oo muddo 10 Bil kadib maanta kusoo laabtaymagaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah iyo eedeyn uu u jeediyaymadaxda dowladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VDEO

Siyaasiga oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay ayaa wuxuu kaga hadlay waxyaabo badan oo dhaliil u badnaa, isaga oo soo hadal qaaday dhibaatada Daacish iyo Shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Nuxurka khudbadiisa ayaa la xiriirtay arrimaha amaanka, isbadalka siyaasadda Soomaaliya iyo caqabadaha kooxaha ka horjeeda ku hayan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in kooxaha AL Shabaab iyo Daacish ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo canshuur ka qaada meelaha ay maamusho dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in musharixiinta tartantaa ee mucaaradka ah ay dhaliili karaan hogaanka talada haya, laakiin madaxweyne Farmaajo uusan ogoleyn dhaliilaha loo jeediyo, sida uu sheegay.

“Musharixiinta Puntland siday doonaan ayay u dhaliilaan madaxweyne Gaas, kuwa Somaliland sida saxda ah ayay u dhaliilaan Madaxweyne Muuse Biixi”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel kaga soo wada jeestaan danaha ummadda Soomaaliyeed dadka ka hor imaanaya.