Nairobo{Khaatumonews}Saraakiil u hadashay Ciidamada Badda India oo ku sugan Gacanka Cadmeed ayaa sheegay inay qabteen markab ay saarnaayeen qoryaha fudud iyo rasaastooda oo marayay meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgal deg deg ah oo ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya iyo meel ka baxsan ay ku qabteen markabka oo hubka ay saaran yihiin, waxaana ka dhashay su’aalo badan.

Saraakiisha Markabka INS Sunayna ayaa sheegay in markabka la qabtay ay saarnaayeen qorshaha AK 47, Machine Gun, iyo rasaastooda, sida ay sheegeen saraakiisha.

Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen in markabka ay ku qabteen biyaha u dhaxeeya Xeebaha Soomaaliya iyo Jazeerada Sokotra, iyadoo baaritaano ay ku socdaan markabka iyo dadkii saarnaa.

Waxaa soo baxaya in markabka uu ahaa markab si sharci daro ah kaga kaluumeysanayay goobta lagu qabtay, iyadoo hubkana la sheegay inuu doonayay inuu isaga ilaaliyo ciidamada amaanka ee xeebaha ilaalinaya.

Xeebaha Soomaaliya waxaa kusugan maraakiib badan oo ilaaliya amaanka xeebaha kuwaasi oo markii hore lookeenayay la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 2012 waxweerar ah geysan.