Waxaa cirka isku sii shareeraya qilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Qilaafkaan ayaa ka dhashay kala diristii guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya Soomaaliya uu shalay ka soo horjeeystay Gudoomiyaha baarlamaanka.

Waxa Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa diiday dalab ugu yimid Madaxda Dalka ugu sareysa oo ah in uu aqbalo kala diristii guddiga maaliyada.

Kulamo waqtiyo badan qaatay ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya guddonka golaha shacabka Ra’isilwasaaraha iyo Madaxweynaha.

Ilo-xog ogaal ah oo ay heleeysoKhaatumonews.com  ayaa waxa ay sheegayaan in kulamadaasi ay isku fahmi waayeen maadaxda sare ee dalka islamarkaasina natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday.

Warar hadda soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in masuuliyiinta guddonka golaha shacabka qaarkood ay hadda u yeerayaan saxaafada si ay ugala hadlaan qilaafkaan soo cusboonaaday.

Gudoomiyaha golaha shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo horjeeystay kala diristii guddiga maaliyada Baarlamaanka waxaana uu sheegay in ay aheyd mid sharci daro ah islamarkaasina uu faray guddigaasi in ay shaqadooda sii wataan.