War Deg Deg Ah:-Sarkaalkii Watay Ciidankii Farmaajo Geeyay Baydhabo Oo la Dilay,

Baydhabo{Khaatumonews}Taliye ku-xigeenkii ciidamo Boolis ah oo dhowaan dowlada federaalku u dirtay magaalada Baydhabo ayaa galabta halkaas lagu dilay sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Baydhabo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in taliye ku-xigeenka oo aan magaciisa la sheegin uu dilay askari ka mid ahaa isla ciidanka ay dowladu u dirtay Baydhabo ka dib markii uu soo kala dhex galay muran.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askariga dilay taliye kuxigeenka la qabtay xili uu isku dayayey inuu baxsado, waxaana la dhigay xabsi ku yaalla Baydhabo.

Ciidamadii dowlada federaalku geysay Baydhabo ayaa degan xarunta madaxtooyada Koonfur galbeed ee magaaladaas, waxaana geynta ciidamadaas ay muran iyo khilaaf ka dhex dhalisay madaxda sare ee dowlada iyo siyaasiyiinta Koonfur galbeed.