600 War Deg Deg Ah:-Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka somalia Ka hor yimid Mooshinka Farmajo Xili Gudoomiye Mursal Aqbalay. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:-Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka somalia Ka hor yimid Mooshinka Farmajo Xili Gudoomiye Mursal Aqbalay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labadan mas’uul oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan.

Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka.

“Waxaa muuqata in Mursal uu ku deg degay aqbalaadda mooshinkan, waxaana muuqata in uu xanaaqsanaa, mana naqaan waxa uu ka xanaaqsanaa, waxaan leenahay xanaaqa kasoo noqo” ayuu yiri Muudeey.

Mahad Cawad ayaa isna sheegay in Mursal ay u sheegeen in mooshikan uu yahay sharci-darro, oo uusan aqbalin, balse uu ka diiday kuna adkeystay aqbalaadda mooshinka.

Waxa ay sheegeen in dhibaatadii iyo qalalaasihii ka dhashaa arrintan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono guddoomiye Mursal, maadaama uu qaatay go’aan jahwareer gelinaya dalka

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021