Dowladda Sacuudiga ayaa cambaareysay Gantaalo ay Xarakada Xamaas iyo Kooxaha Falstiiniyiinta ay ku tuureen Israel, ayada oo ka aamustay xasuuqa ay Yahuudda ku hayaan shacabka Falastiin.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Wakiilka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay Abdullah Al-Maalami ayaa sheegay inay Sacuudiga cambaareeneyso ayna ka xun tahay Gantaaladii lagu riday dhulka Israel ay dagan tahay, mar uu ka hadlayey Shirkii Qaramada Midoobay ka hor inta aan codka loo qaadin Mashruuca Qaraarkii uu Mareykanka ku doonayey in lagu cambaareeyo Xarakada Xamaas.
“Waan Cambaareyneynaa Gantaaladii lagu riday meelaha ay dagan yihiin Israa’iiliyiinta, waxaana ku baaqeynaa in la qaado tallaabooyin deg deg ah si Xabadda loo joojiyo” ayuu yiri Abdullaah.
“Waan diidanahay arrin kasta oo keeneyso qas iyo Foodo dhibaatana loogu geysanayo dadka Rayidka ah, waxaana dhinacyada dhan ugu baaqeynaa in miiska wada-hadalka wax kasta lagu dhameeyo” ayuu sii raaciyey.
Wuxuu carabka ku adkeeyey baahida loo qabo in si nabad ah loogu wada noolaado Bariga dhigo.
Wakiilka Sacuudiga ee Qaramada Midoobay marnaba sooma hadal qaadin boqolaalka qof ee Falastiiniyiintaah oo ay dhawaan Israa’iil ku dishay Gaza, iyadoo la ogyahay inay Israa’iildhulkaas xoog ku qabsatay sanadkii 1967.
Arrinta lala yaabay ayaaaheyd inuu si cad u sheegay inaan la aqbali karin in Israa’iil lagu dhibaateeyoCaalamka hortiisa.
