Garoowe{Khaatumonews}Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cabdala Maxamuud Calihaybe ayaa kulan Qado Sharaf Ah Usameeyey Cuqaasha Beel waynta Jaamac Siyaad.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kulankanka Qadada Ah ayaa waxaa uu ka dhacay beer ku taala duleedka Magaalada Garowe Halkaasi oo Cuqaasha iyo Madaxweynahu ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya Masiirka Deegaanada Sool Sanaag iyo Cayn
Cuqaasha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey casuumada sharafta leh ee uu usameeyey waxaanay ku amaaneen hal adayga geesinimada iyo dul qaadka uu u leeyahay Danaha Deegaanada Ssc
Cuqaasha ayaa waxaa ay sheegeen inay u Ogsoon Yihiin Arimaha uu Mr Cagalule Danahiisi uga tegey inay tahay Danaha Dhulbahante Isla Markaana ay taariikhdu xusi Doonto.
Dhanka kale Madaxweyne Cabdala M. Calihaybe ayaa uga Mahadceliyey Cuqaasha Ajiibitaanka ay Ajiibeen Casuumadan Islamarkaana Waxaa uu Madaxweynahu Cuqaashan ku Booriyey Sidii Ay Uga Wadatashan Lahaayeen Arimaha Murugsan ee ka jira Deegaanka
Madaxweynaha ayaa Cuqaasha Kula Dardaarmay Inay Kaashadaan Cuqaasha kale ee Dhigooda Ah ee Beelaha kale ee ku Dhaqan Deegaanada Ssc Isla Markaana ka Digtoonaadaan Colaadaha Gacan ku Rimiska Ah ee Lagu Dhex Abuurayo Deegaanada Ssc Colaadahaasi oo ay Iska kaashanayaan Somaliland Iyo Dad Dano Gaara Leh oo Doonaya Inay Siidaba Dheeraato Nabadgelyo Xumida iyo Horumar La,aanta kajirta Deegaanadani.
Madaxweynaha Ayaa Gabagabadii Cuqaasha Daaha Uga Qaaday in aanu Damac iyo Hunguri Toona Uga Jirin Siyaasadaha Somaliland Ama Puntland
Waxaanu Sheegey Keliya Inuu Utaagnahay Sidii uu uga Midho Dhalin Lahaa Maamul Madaxbanaan oo ay yeeshaan Dadka Ssc Kaasi oo iyagu Masiirkooda ay ku Go,aamiyaan ee aan Meelo kale Wax looga yeedhin…