600 Deg Deg:Fadeexad Weyn Oo Ka Raacday Maamulka SNM Shirkii Nairobi. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Fadeexad Weyn Oo Ka Raacday Maamulka SNM Shirkii Nairobi.

Nairobi{Khaatumonews}hirkii maal-gashiga ee Maamulka Hargeysa ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka shan xiddiglaha ee Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay.

Shirkan ayaa Somaliland ay si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo heer sare ah, oo kala ah: arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta.

wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa diiday casuumad ay Somaliland u fidisay.

Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay dideen shirka ayaga oo ka baqaya in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo hadda Kenya ay aad isugu dhow yihiin.

Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka, ayaa waxaa kasii daray, markii dhammaan diblomaasiyiinta fadhiya Nairobi ay ku gacan seereen inay shirka tagaan.

Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn in khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Somaliland ay xaaladda kasii dartay.

Somaliland oo ka hor shirkan si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso ayada oo inta badan dowladda aysanba soo hadal qaadin, warbaahinta gudahana aysan ku bixin waqti badan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...
Ogaysiis Ku Socda Akhristayaasha Khaatumonews.com
- Jan 19, 2021
Shabakada Caalamiga Ah Khaatumonews.com waxay dib u furtay mudo bilo ah kadib qeybaha Fariimaha ...
Dawlada Somalia Dacweysay Saraakiil Cadaan ah Oo Somaliland Safar Tuugo ah Ku Gaysay Laascaanood,
- Jan 18, 2021
Maamulka Somaliland, oo dhawaan Deegaano kamid SSC, ka bilabaay isdiiwangalinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilaha ...
DAAWO:SNM Oo Shaacisay siday ugu fashilantay Diiwangali Ka dhacda Buuhoodle iyo Lix Magaalo oo Hoostaga,
- Jan 18, 2021
Maamul Beeleedka SNM, ayaa shaaciyay sida ay ugu fashilmen Diiwaangalin maamulkaasi ka fuliyo ...
Deg Deg; Daawo Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas
- Jan 18, 2021
Dalka Masar Laga Furay Xarun Dadka Ay U Masajaynayaan Masas https://www.youtube.com/watch?v=aJ5-o9ptfBA