600 War Deg Deg Ah Daawo:-Lix Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirkii Nabada Jigjiga Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah Daawo:-Lix Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirkii Nabada Jigjiga Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame,

Iyadoo 20 kii Maalmood ee ugu danbeeyey magaalada Jig Jiga ay dawlad deegaanka Soomaalida ay ka waday heshiisiinta iyo soo afjarida shaqaaqo beeleed u dhaxeeyey laba beelood oo colaadoodu daba dheeraatay khasaare badanna ay ka dhaliyey ayaa waxa la soo gebo gebeeyey shirkaasi ,

Halkan Ka Daawo Video

Shirkan oo ay dawlad deegaanku u xilsaartay gudi ka kooban 25 qof iyo min 21 ergey oo labada reer ee (Bahrarasame & Cabdi Garaad ) Waxaana laga soo saarey qodobadan :

 

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad
qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4:Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5:Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7:In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba .

Mahadsanid Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Dhamaan Isimadii kale ee ka soo qayb gashey labada Garaad ee labada Beelood .

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...