War Deg Deg Ah:Shan Qodob Oo Ka Soo Baxay Heshiiskii Shirkii Nabada Ee Taleex,
Laascaanood{Khaatumonews{Labada Beelood ee walalaha ah ee Faarax ali iyo samakaab cali ayaa maanta oo taariikhdu tahay 5/12/2018 ay wada saxeexen heshiis lagu daminaayo colaadii mudada dheer soo jiitamaysay ee dhextaalay labada beelood.
Heshiiska Maanta Labada Ardaa kala Sexeexden ayaa ka Kooban Shan Qodob Oo Dhaxal u Noqonaaya Beelaha Walaalaha ah,
1- Labadii Nin ee Ugu Horeeyay Waxay ku heshiiyen In Loo daayo Heshiiskii Hore.
2-Tobankii Nin Ee kale ee Shanba Dhinac tahay waxay ku heshiiyen in laga Bixiyo Ninkiiba Jifi 53 Konton iyo Sadex Halaad ah.
3- waxay ku heshiiyen Dhaawacyada in ay dhexdooda ka dhamaysanayan.
4-inay 5/Dic /2018/ kala Qadanayan Duugta
5-waxay ku heshiiyen inay 1/bisha may ee 2019 kala qaatan Jifiyaha iyo Simista Dhaawacyada
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.