Deg Deg:Maxaa Ka Soo Kordhay Khilaafkii Camey iyo Gaas Wararkii Ugu Danbeeyay.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa weli waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah tan iyo markii madaxda uigu saraysa Puntland iyo musharixiintu isku maandhaafeen magacaabista gudiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta barlamaanka cusub ee Puntland.

 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka puntland ayaa waanwaan ka dhex bilaabay Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxaana hogaaminaya xildhibaanadaan gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka puntland Cabdixamiid ayaa kulamo kala duwan la qaatay labada masuul.

 

Xildhibaanadaan ayaa shalay la kulmay madaxweyne kuxigeenka puntland Eng Cabdixakiin Camay iyagoo kala hadlay in laysku soo dhawaado balse madaxweyne kuxigeenka ayaa ku adkaystay go,aankiisi hore sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan xildhibaanada.

 

Xildhibaanadaan ayaa kulanka ay la qaateen Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camay ka hor waxaa la kulmeen madaxweynaha puntland iyagoo kala hadlay sidii khilaafka wadahal loogu dhamayn lahaa waxaana ay markale kula laabteen go,aanka madaxweyne kuxigeenka madaxweyne cabdiwali sidaas waxaa noo xajiijiyey ilo ka tirsan xildhibaanada.

 

Lama oga waxa kasoo bixi kara dadaalka ay wadaan qaar kamid ah xildhibaanada puntland iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka labada masuul.

 

Lasoco Wixii Soo Kordha Khaatumonews.com