Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
Deg Deg:Muuse Biixi Oo Jilbaha Qabsaday Farmaajo Kana Laabtay Go aankiisi Hore,
Hogaamiye Beeleedkaa SNM Muuse Biixi Cabdi ayaa dib kaga laabtay go’aan uu horey uga qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.
Muuse Biixi ayaa 20-kii November kaga dhawaaqay magaalada Burco inaysan wadahadal la galeynin dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo, kadib cadaadis xoogan oo Maamulka SNM soo wajahay.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada SNM lagu shaaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka laabtay go’aankiisii hore ee wadahadalka la xiriiray.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in SNM ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Arrinta isbadalka go’aanka Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii shalay wafdi ka socdo midowga Yurub ay gaareen magaalada Haregysa, iyaga oo halkaasi kula kulmay Muuse Biixi.
War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada SNM ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka SNM
Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.