Deg Deg Daawo Video:-C/wali Gaas iyo Gudigii U Magacaabay Oo Warbaahinta La Hadlay.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 4 December 2018 waxaa uu marii ugu horeysay kulan la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Puntland oo uu Madaxweynuhu shalay magacaabay.

Halkan Ka Daawo Video

Gaas  ayaa magcaabay gudigan oo ka kooban 7 xubnood iyo xoghayn, kadib markii madaxweynuhu kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 192 December 03 2018, kuna saabsan magacaabis Guddiga Ansixinta Iyo Xallinta khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland (Vetting Committee).

 

Dhinaca kale MadaxweynahaPuntland ayaa kula dar daarmay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda  Puntland 2019 in ay si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegaan shacabka Puntland, ayna ka shaqeeyaan sidii Puntalnd u heli lahayd gole wakiilo oo hogaamiya masiirka shacabka Puntland.

 

 

“Waxaa Sharaf weyn ii ah maanta in aan dad weynaha reer Puntland u soo bandhigo guddigii aan magacaabay shalay, Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019-2023, waxaan halkaan ku soo xulnay dad Soomaaliyeed, Puntlandrs ah, wadaniyiin ah, odeyaal ah, khibrad leh oo aan isleeyahay dadweynaha reer Puntland meelkasta ay joogaan way ku kalsoonaan karaan wayna soo dheweynayaan, waxaan ugu yeerey inaan la dar daarmo in ay wanaag, hufnaan iyo cadaalad ku shaqeeyaan, aan kala dar daarmo culeyska shaqada ay hayaan in ay tahay masuuliyad dadka reer Puntland oo dhan ay dhowrayaan, inaan ugu ducayno in shaqadooda Alle u fududeeyo” ayuu yiri  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay guddigan uu magacaabay in ay yihiin dad odayaal ah oo kasoo dhalaali kara shaqada ay hayaan isla’markaana soo xuli doona Gole wakiilo oo wanaagsan oo lagu aamini karo masiirka Puntland.