Wararka haatan naga soo gaaraya duleedka degmada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal culus oo u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada daga.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Dhagayso
Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa inta u dhaxeeyso deegaanada Maandheere iyo koongo ee duleedka degmada Jowhar.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo beeraleey ah oo isku heeysto dhul beero ah oo ku yeela deegaankaasi.
dagaalka ayaa hadda halkaasi si toos ah uga socdo inta u dhaxeeyso Maandheere iyo koongo ee gobolka Sh/Dhexe.
Maamulka Hir Shabelle ayaa isku dayaya in ay joojiyaan dagaalkaasi islamarkaasina dhinacyadaasi kala dhaxgalaan.
Mid kamid ah dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya oo la hadlay Warbaahinta Khaatumo News ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku soo qaadeen dad doonaya in ay qaateen dhul beereedyo ay leeyihiin.