Deg Deg::Weerar Ka Dhacay laascaanood iyo Dhawaac Ka Dhashay,

Laascaanood{Khaatumonews}Hablay Hubaysan ayaa weerar KU qaaday Mid kamid ah Maleeshiyada Maamulka SNM Gaar ahaan Askari ka tirsan Maleeshiyada Gobolka soolka soo jeeda ee ka mushahaar qaadata maamulka Jeegaanta.

 

Lama garan ilaa hada weerarkan cida fulisay balse waxaa jira qorshayaal maalmahan uu malegaayay maxamed Kaahin wasiirka arrimaha gudaha snm kaaso waday sidii laascaanood dagaal beeleed looga Furilaha iyo dilal qorshaysan.

 

Weerarkan  caawa dhacay ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan maleeshiyada Somaliland.