Deg Deg::Maamulka Somaliland Oo Amar Dul Dhigay Bajaaj-leyda laascaanood

Maamulka Somaliland Ayaa amar Kusoo Rogay gaadiidka Loo yaqaan Bajaajta ee U kala Baxa xaafada Gobolka sool gaar Ahaan Shanta Xafadood Ee Laascaanood Ka Kooban tahay

Qoraalkan Hoos Ku qoran waxaa Goordhaweyd Soo saaray Ninka Maamulka SNm Ugu magacaaban Duqa laascaanood Cabdicasiis xuseen taarwale.

DUQA DEG. LAASCANOOD AYAA SHAACIYAY GO’AAMO UU KU HORMARINAYO, KORNA UGU QAADAYO HABSAMI U SOCDA WADADA HALBAWLAHA AH EE MAGAALADA….kuna aadan gaadiidka BAJAAJLEYDA.
…….. ++++++++++ ———-

DUQA DEG. LAASCANOOD oo ku hawlan shaqo maalmeedkiisa horumarinta ee deegaankiisa ayaa wuxuu farayaa dhamaan
IS-KAASHATADA BAJAAJLEYDA ka shaqaysata magaalada LAASCANOOD in la soo saaray sharci cusub. Sharcigaas cusub ayaa waxaa lagu ilaalinayaa habsami u socodka LAAMIGA WEYN ee magaalada laascanood oo ah halbawlaha. kaasoo laga dheeganayo quruxda iyo bilicda iyo nidaamka dawli ee magaalada.

Hadaba DUQA DEGMADA ayaa faraya in BAJAAJTU ilaaliso habsami u socodka wadada halbawlaha. Markaa waxaa loo sameeyay ASTAAMO ay ka rakaabsadaan BAJAAJTU. kuwaaso bajaaj walbo dhinac u baxaysaa ay ka rakaabsanayso, dhigaysana shacabka ay u adeegayaan.

ASTAAMAHAAS OO KALA AH.
…….+++—+++—+++—++-
1. ASTAANTA XARUNTA TELESOM HORTEEDA..
Waxa ka rakaabsanaya bajajyada aadaya Laamiga bisha cas, ISKULKA MUSE YUSUFama Manhal, iyo Ex-control. iyagoo raacaya wadada labaad.

2. DABAQA RAMADAAN.
waxaa ka rakaabsanaya Bajaajta aadaya kana imanaya wadada aada Laascanod hospital iyo Xaafadda shacabka.

3.AAGGA CAKAARA. udhaw MASJID HUDA……
waxaa ka rakaabsanaya shacabka aadaya kana imanaya Tuulo toocil iyo daaraha maraykanka.

4.AAGGA WADHACDA..
Waxaa ka rakaabsanaya Bajaaj ta u baxaysa kana imanaysa wadada aadda FARXASKULLE aada.

FG..
sidoo kale waxaa loo samayn doonaa tare maalin le ah oo koox walba maalin ay shaqayn doonto. sida A iyo B mid maalintiisa uu shaqada gali doono. waayo bajaajtii ayaa aad u faro batay. dhibaatooyin badanna sababay.

MULKIILAYAASHA IYO QADAYAASHA bajajta waxa la farayaa inay u dhago nuglaadaan sharcigan wuxuu soo baxay 2da bishan ilaa ugu danbayn ilaa 7da bishan aan la arag BAJAAJ wadadii loogu talo galay aan soconayn kana rakaabsanayn..
cidii sharcigaa jabisa waxay mutaysanaysa ganaax adag.

Muwaadin u dhago nugloow nidaamkan oo dan u ah bulshada. Laguna yaraynayo buuqa iyo sawxanka iyo shilalka hadheeyay wadada halbawlaha ah..

Waxa jira waajib ina wada saaran kaaso ah ilaalinta iyo kor u qaadida shuruucda ummada u dhaxaysa..

xafiiska Duqa deg laascaanood
cabdicasiis xuseen taarwale.