600 Deg Deg;Camey Oo Taageeradii Kala Laabtay Dawlada Fadaraalka Kadib Culays Uga yimid Gaas | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg;Camey Oo Taageeradii Kala Laabtay Dawlada Fadaraalka Kadib Culays Uga yimid Gaas

Shirkii Khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland ayaa qabsoomay jimcihii maanta kadib markii uu shalay u baaqday safarkii madaxweyne Gaas iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay ugu maqnaayeen degaanno kamid ah gobolada Karkaar iyo Hayland.

War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faahfaahiyay qodobadii looga hadlay shirka,waxaana lagu sheegay in safarkii madaxweynuhu ku tegay gobolada Karkaar iyo Hayland uu ka soo daah-furay mashaariic horumarineed,islamarkaana uu ka soo dhagax-dhigay mashaariic cusub.

Mashaariicda madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah Isbitaalka weyn ee degmada Qardho iyo xarunta Turobataariyada ee isla degmadaas, sidoo kale waxaa madaxweynuhu degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ka dhagax dhigay wadda laami ah oo isku’ xidhi doonta Xiingalool&Sheerbi iyo xarun loo dhisayo barakacayaasha oo ka kooban 100 guri.

Dhinaca kale war-murtiyeedka oo looga hadlay khilaafka Federaalka ayaa lagu sheegay in Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhexayso qaanuun iyo awood-qeybsi sharci ah,haddii taasi la waayana aan la wada-shaqeyn karin,waxaana war-murtiyeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu raalli-gelin ka baxshay hadal uu maalmo ka hor ku taageeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Puntland waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta uu wado guddiga Aqalka sare u xil-saaray xallinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,kaasoo Puntland ku tilmaantay tallaabo wanaagsan,balse ay sheegtay in aan weli la dhammayn qodobadii laga cabanayey

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Farmaajo Si Rasmi Ah Gedo ugu Wareejinaya Axmed Madoobe,
- Jan 18, 2021
Dawlada Fadaraalka ah ee soomaaliya, ayaa wada qorshe ay Gobolka Gedo ugu wareejinayso Maamulka ...
Deg Deg:Ciidanka Itoobiya Oo Buuhoodle Ku Xidhay 40 oday,
- Jan 18, 2021
Xaalada Magaalada Buuhoodle, ayaa saaka kacsan kadib isfahan waa ka dhashay dilal ka ...
Deg Deg Daawo; Xildhibaan Mahad Salaad Oo Eedayn U Jeediyey Farmaajo
- Jan 18, 2021
Xildhibaan Mhada Salaad Oo kamid Ah Xildhibanada Dawlada FedraalkaA Soomliya Ayaa Eedayn Kulul U ...
Daawo:Shir Buuhoodle Ku Dhexmaray Garaad Cabdirisaaq iyo Saraakiil Itoobiyan ah Iyo Hanjabaad Ay diren,
- Jan 17, 2021
Garaad Abdirisaaq oo Kulan Gaar ah la Qaatay Wafti ka socda Dawlada DeegaankaSoomaalida itoobiya ...
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...