600 Cabdiwali Gaas oo war ka soo saaray doorashada Puntland | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Cabdiwali Gaas oo war ka soo saaray doorashada Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal lagu faragalinayo doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Madaxweyne Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in beelaha Puntland ay Baarlamaanka cusub u soo gubiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018, iyagoo ku dadaalaya in ay khilaafka ku soo dhameystaan dhexdooda.

Sidoo kale Cabdiwali Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in kalfadhiga ugu horreeya Baaralamaanka cusub ee Puntland furmi doono 01/01/2019, iyagoo doorashada Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka dooran doona inta u dhexaysa 1-da ilaa 6 Janaayo 2019, wuxuuna intaas ku daray in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenku dhacayso 8-da Janaayo 2019.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warkan soo saaray, isagoo aan wali soo magacaabin Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ahayd shaqada ugu horeysa ee doorshada.

Cabdiwali Gaas ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu ku dhawaaqo musharax Madaxweyne Puntland 2019.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo; Dawlada Federaalka Somalia Jaawab U Dirtay Imaaradka
- Feb 21, 2021
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka shaqeyneyso abuurista dagaalo ...
Buhoodle SHORT FILM. Dirir Iyo Dawlad ||Cuqdad Walal || Part 1
- Feb 21, 2021
Abwaan diri iyo abwaan Dawlad ayaa ruwaayad kooban oo ay kaga hadlayaan cuqdada somaliland ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda Villa Somaliay
- Feb 21, 2021
Waxaa Hada Shir Ugu Socda Villa Somliya Madaxda Dawlada Fedaraalka Soomliiya Iyo Madaxda ...
Deg Deg Daawo Mucaaradka DF Oo ka Badbaaday Dil
- Feb 20, 2021
Qaar Kamid ah Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweyanah Soomaaliya Ayaa Fariin Culus U Diray dawlada ...
Wefti Siciid Deni Hogaaminaayo oo Isugu Jira imaaraat iyo israail oo gaadhay gobolka…
- Feb 20, 2021
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa safar aan la shaacin ku tagaya magaalada ...