War Deg Deg Ah:Ashabab Oo Ka Baxday Magaalo Ay 10 Sano Haysten.

Wararka laga helayo Gobolka Mudug aya sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay si lama filaan ah uga baxeen magaalada Xarardheere.

Al-shabaab oo muddo ka badan 10 sano gacanta ku hayey magaaladaasi ayaa sheegaya ina sababta ay uga baxeen ay tahay cabsi ku saabsan duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu qaado, waxaan dadka degaanka ay sheegeen in magaalada cabsi xoog leh ka jirto, iyadoo dhaqdhaqaaqu yaraaday.

Maleeshiyada Al-shabaab ee ka baxay degmada Xarardheere ayaa la sheegay inay isugu tageen duleedka magaaladaasi iyagoo magaalada ay ku soo hareen dad shacab ah oo keliya.

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa duqeyn cirka ah lagu qaaday xerooyin iyo goobo ay Alshabaab ka joogaan agagaarka magaalada Xarardhere, iyadoo lagu dilay maleeshiyo boqolaal ah sida uu Mareykanku sheegay.