600 Deg Deg:Xaalada Sucuudiga oo kacsan iyo Hawlgal Ciidan oo ka Socda, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:Xaalada Sucuudiga oo kacsan iyo Hawlgal Ciidan oo ka Socda,

Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa gudaha dalkaas ka sameeyey hawlgallo Militari oo qarsoodi ah kaddib warar sheegayey in ay jiraan isku dayo afgambi isaga lala damacsanaa, sidaas waxaa wargeyska Khaleeji Online u sheegay heesaga caanka ah ee Mujtahid.

“Maxamed Bin Salmaan, kaddib markii uu ka tagay Sucuudi Carabiya, waxa uu u sheegay in ay jiraan qorsheyaal qoyska dhexdiisa ah oo lagu diyaarinayo afgambi ka dhan ah isaga,” sidaas waxaa yiri Mujtahid oo Twitter-ka ku soo gudbiya xogaha Sacuudiga.

“Bin Salmaan waxa uu amray hawlgallo taxadar leh isaga oo ku amray ciidamada ilaaliya boqortooyada ee ku kala sugan Bariga iyo Galbeedka Riyaad in ay ka hortagaan afambi” waxaa sidaas Khaleej Online u sheegay Mujtahid.

“Haddii uu Amiir Axmed dalbado in xukunka lagala wareego boqor Salmaan , waxa uu heli doonaa 95% taageerada qoyska, taas waxa ay walaac ku haysaa boqor Salmaan.”

Amiirka mucaaradka ah, Ahmed bin Abdul Aziz al Saud, waxa uu ku soo laabtay caasimadda Riyaad kaddib sanad uu ka maqnaa, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.

Sida ay qortay New York Times, Ahmed Bin Abdul Aziz waxa uu ku soo laabtay Sucuudi Carabiya salaasadii, October 30, sida ay sheegeen saddex Sucuudiyaan ah oo ku dhaw boqortooyada waxaana madaarka ku soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan.

Amiirka waxa uu doonayaa in uu kaalin ka qaato is bedelada, taas oo ka dhigan in uu door lixaad leh ka ciyaarayo iyo dib u habbeyn lagu sameenayo qoyska boqortooyada ama in uu gacan ka geysto in la doorto qof bedela Bin Salmaan.

Tan iyo khamiistii, dhaxalsugaha waxa uu booqasho ku marayaa dalal caalamka ah oo Imaaraadka uu ku jira, taasi oo ay ahayd meeshii ugu horreeysay oo uu tago socdaal uu ku kala bixinayo dunida oo ay ku jiraan wadammo carbeed.

Waa safarkii kowaad oo uu Bin Salmaan ku baxo kaddib dilkii wariye Jamal Khaashuqji, oo isaga loo haysto.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...
Deg Deg:Taliyihii Isaaq Ee Fara Xumeeyay Maxaabiista Jeelka laascaanood Oo Baxsaday iyo Dhaawac Soo Gaadhay
- Jan 19, 2021
Waxaa Goordhaweyd baxsaday oo si dhuumasho ah uga cararay magaalada Laascaanood, Taliyihii Xabsiga dhexe ...
Deg Deg; Daawo Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey Famaajo
- Jan 19, 2021
Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Dawlada Fedraaalka Soomliya Goodax Barre Oo Eedayn U Jeediyey ...
Deg Deg:Weerar Ka Dhacay Kismaayo
- Jan 19, 2021
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka ...