Madaxweynaha  Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqanaya magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

 

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuur-galka nolosha bulshada ku dhaqan degmada Dhahar,waxaana uu halkaasi ka daah-furayaa mashaariic kala duwan oo dhanka horumarinta ah,sida xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

 

Socdaalka  Gaas ayaa noqonaya markii u horraysay ee madaxweyne Puntland uu booqdo degmada Dhahar ee  gobolka sanaag oo kamid ah degaannada SSC.

 

Dhinaca kale socdaalka ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku joogo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,isagoo kulamo halkaasi kula yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.