Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad cusub ay maalintii labaad ka taagan tahay deegaanka, taasi oo u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maalin ka hor Gobolka sool uu tagay Muuse Biixi Cabdi, isaga oo askarta ku sugan aaga Gambadha goojacade u sheegay inaysan dagaal diyaar u aheyn oo xuduudooda difaacayaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ee ku sugan aagaga dagaalka ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan, taasi oo cabsi gelisay shacabka deegaanka ku nool.
Dhaqdhaqaaqa cusub ayaa laga dareemayaa dhinaca Puntland, waxaana ciidamada Somaliland la sheegay inay wali ku sugan yihiin goobtii ay joogeen.
Lasoco Wixii Soo kordha Khaatumonews.com