Deg Deg Daawo Video:C/wali Gaas Oo Doorashada Puntland Go aan Ka Qaatay?

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban goleyaasha maamulka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada  Puntland ayaa galabta 27 November 2018 safar shaqo kusoo gaadhay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Halkan Ka Daawo Video

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa degmada Qardho kusoo dhoweeyey maamulka gobolka karkaar, kan degmada Qardho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, isimo, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo ka qayb qaatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Soo dhaweynta kadib Madaxweynaha ayaa warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho waxaana hadaladiisa kamid ahaa”

 

Waxaan mahad ballaadhan u jeedinayaa maamulka iyo shacabka gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho soo dhoweyntooda ay marwalba nagu qaabilaan, waan ku faraxsanahay inaan idinku soo booqano Qardho, waxaan halkaan u nimidna inaan daah furno mashaariico horumarineed oo ay Dowladdu halkaan ka hirgalisey, mar labaad waad mahadsan tihiin sal mug leh ayaan isku wareysan doonaa Insha ‘Allaah”, ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

C/wali Gaas Ayaa sidoo kale Hoosta Ka Xariiqay Go aanka doorashada puntand ee 2019 oo madmadow badan soo galay   ayaa shaaciyay in ay dhacayso wakhtigeeda.

 

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalamaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Qardho, isla’markaana halkaasi xadhiga kaga jari doonaa mashaariica horumarineed oo uu kamid yahay Hospitalka Qardho.