600 Deg Deg Daawo sawiro:Laga Soo Qaaday Goobtii Saaka lagu Weeraray Ninkii Sheegtay Nabiga Ee Gaalkacayo Dagana. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo sawiro:Laga Soo Qaaday Goobtii Saaka lagu Weeraray Ninkii Sheegtay Nabiga Ee Gaalkacayo Dagana.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xarun Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu ku lahaa Wadaad lagu magacaabayay C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa oo laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay xarunta wadaadka , waxaana qaraxa kadib xaruntaasi gudaha u galay dagaalyahano hubeesan kuwaa oo toogasho ku dilay dad badan oo xarunta ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay dad ku dhaw 20-qof uu ku jiro wadaadkii bartilmaameedka u ahaa Al Shabaab ee lagu magacaabayay C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare, waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay dad kale oo xerta ninkan kamid ahaa.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa soo afjaray weerarkii xarunta lagu qaaday, waxa ayna ciidanka dileen sadex kamid ah ragii weerarka ku galay xarunta halka mid kalana la sheegay in la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa hada wax xoogaa degan, waxaana lagu mashquulsan yahay tirakoobka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii saakay Al Shabaab ka fuliyeen magaaladaasi.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg Daawo::Puntland Oo Soo Bandhigtay Ciidankii Dib u Qabsan Lahaa Sool,
- Jan 17, 2021
Xukumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa Labadi Sane ugu danbysay waday Qorshaha dhisme ciidan ...
Daawo Somaliland oo bilowday si hoose inay u dhacdo guryaha qurbajooga SSC ee laascaanood
- Jan 17, 2021
Daawo Somaliland oo bilowday si hoose inay u dhacdo guryaha qurbajooga SSC ee laascaanood
Deg Deg Daawo:Cali Mahdi oo Ka Digay Halis dhici karta Hadii Lagaadho 8 February,
- Jan 17, 2021
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga ...
Deg Deg:Itoobiya Oo wefti Culus usoo Dirtay Buuhoodle.
- Jan 17, 2021
Wafti ka socda Dawlad deegaanka somalida oo ka Qayb lixaad leh ka Qaatay Nabadta ...
Deg Deg Daawo Xildhibaan Mahad Salaad Oo Dhaliil Kulul Uu Jeediye Farmaajo
- Jan 17, 2021
https://www.youtube.com/watch?v=hPrCNCYuPSE