Kulanka ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Kulankaasi oo inta badan looga hadlay xiriirka labada dal ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday isbadalka geeska Africa oo dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ay hormuudka ka yihiin.
Musaveni, ayaa shaaciyay inuu taageersan yahay isbadalka ka bilowday Geeska Africa oo hogaamiyaasha dalalka Soomaaliya Ethiopia iyo Eritrea ay bilaabeen.
Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Eriteria iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka
Isbadalka Geeska Africa ayaa la qorsheynayaa in la balaariyo dalalka qeybta ka ah , waxaana hadda u dhow inay ku biiraan dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa.
Uganda ayaa kamid ah dalal ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana madaxweyne Farmaajo uu dhigiisa dalka Uganda uu kala hadlay horumarinta amaan ee dalka.