Deg Deg:Xaalada Ceerigaabo Kacsan iyo Ciidamo Ku Qulqulaaya,
November 24, 2018
Saacadihii ugu dambeeyey waxaa deegaamada gobolka Sanaag buux dhaafiyey ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka kala tirsan Puntland, Somaliland iyo jabhadda Corneal Caarre.
Jabhadda Corneal Caarre ayaa deegaamo dhowr ah oo katirsan gobolka Sanaag gaar ahaan Ceel-afweyn ku soo bandhigtay gaadiid dagaal iyo ciidamo ay sheegtay inay u diyaarsan yihiin dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland.
Dhinaca kalena, maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in la adkeeyey ammaanka Ceerigaabo iyo Laascaanood oo lafilayo inuu booqasho ku tago markii ugu horaysay Muuse Biixi Cabdi.