Magaalada laascaanood caawa waxaa soo Buux dhaafiyay boqolaal kamid ah maleeshiyaadka maamulka snm kuwaaso hordhac u ah muuse biixi oo lagu wado in uu bari yimaado laascaanood.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

 

Xaafadaha iyo wadooyinka laascaanood waxaa lagu arkaayay maleeshiyaad ku gaashaman gaadiidka dagaalka oo Gaaf wareegaya magaalada kuwaaso cabsi ka qaba dhanka amniga.

 

Dhanka kale dhaqdhaqaaq xoogan ayaa ka socda jiida hore gobolka sool oo ay isku Horfadhiyaan maleeshiyaadka snm iyo ciidamada puntand oo gacan ka helaaya daraawiiisha khaatumo.

Socdaalka Muuse Biixi ee gobolka sool ayaa ah mid xaasaasi ah kana duwan socdaaladii Muuse Ku Tegay Burco iyo Berbera

Lasoco Khaatumonews.com