Maamulka Somaliland Oo Cabsi Weyn Ka Qaba Shirarka Taleex iyo Jigjiga.

Laascaanood{Khaatumones}Maamul Beeleedka SNM oo deegaanka Khaatumo mudo 12 Sano ah hada ku sugan waxa ugu weyn ee u deegaankani ka dhaxlay ayaa ah isku dirka iyo colaad ka dhex hurinta Beelaha khaatumo oo laf dhabar u ahayd in mudada intaas legĀ  uu ku sugnaado deegaanka.

 

Koonfurta sool in mudo ah hada waxa ka soconaayay dagaalo dhiig badan ku daatay oo qorshaha dagaalkaasi uu ahaa mid laga hurinaayay dhanka hargaysa si ay ugu sii cimri dheereestan dhulka ssc.

 

Taleex iyana mudo waxa ka socday dagaalo taaso sabab u ahayd in maamulka snm isku mashquuliyoo shacabka ssc.

 

Hadaba Maanta waxaa muuqda jawi nabadeed oo ka dhex curtay beelaha dhulbahante marka la eego gogosha nabada taleex oo aysan wax samayn ah ku yeelan maamulka snm marka la eego gogosha nabada jigjiga oo aysan sidoo kale ku lahayn wax samayn ah marka la eego fahanka beelaha dhulbahante oo fahmay qorrsha taliska beelaysan ee snm ee ah isku jabinta cududa iyo curadada SSC.

 

Intaas oo dhan marka la isku soo urursho ifafaalaha muuqda ayaa ah dhulku nabada Maxaa ku xigu doona.?

 

Sadaasha iyo walwalka somalialnd ayaa ah cabsi ay ka qaban nabad ka dhex curara dhulbahnate iyo beelaha ay madaxa isku galiyem inay sababi karto in dhulka si fudud looga hufo maleeshiyada.

Lasoco Wixii Sordha Khaatumonews