Maxay ku kala duwan-yihiin Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal, Siilaanyo iyo Muuse Biixi.
Xilligii uu Siilaanyo ahaa mucaaradka ”Somaliland“ Cigaalna noolaa ilaahay hawnaxariistee ayaa aniga oo fadhiya makhaayad ku dheganayd Hutel Cadaani ee magaalada Burco goor barqo ah ayaan waxaan maqlay heestii Hibo Nuura iyo Maxamed Saleebaan Tubeec wada qaadi jireen ee” Geesiga dhulkii guusha u horseeda geerida dishaay geedkaa ha ba‘o“ oo gaadhi sameecado lagu soo rakibay saaran, iyo dad tiro badan oo ku sii socda dhinaca taalada Shiikh Bashiir, rag aanu wada fadhinay ayaan weydiiyey waxa saaka jira, waxaan soo xasuuustay gaadhi LandDrovel ka ah ee laba sameecadood oo waaweyni saarnaan jireen oo xilliyada hawlo jiraan inta heesihii kacaanka la saaro magaalada lagu wareejiyo oo Radio Muqdisho guuraya ahaa, gaar ahaan Oktoobarta.
Waxaa laygu yidhi saaka Siilaaanyo ayaa khudbadeynaya oo wuxuu ka khudbadeynayaa Khayriyada, khayriyaddu marka waa gurigii ummadda ee ka soo horjeeday Hutel Nasiye iyo Taalada Shiikh Bashiir, wado yarina u dhaxaysay Hutelkii hurdada ee Xaaji Maxamed Maydhane , goobtaas oo Hadda loo bixiyey Khayriyada, waxaan go‘aansaday in aan soo dhagaysto oday Siilaanyo maanta hawlaha uu ka hadlayo, goortii aan goobtii gaadhay ayaa waxaan ugu tagay dadweyne tiro badan oo buuxiyey banaankii ka horeeyey guriga ummadda“Khariyada“ iyo Siilaanyo oo khudbadaynaya, arrimo badan ayuu ka hadlay oo wuxuu qaban doono ah ,haday xukunka qabtaan, wuxuuna dhaliilay Cigaal iyo xukuumadiisa, markii uu dhinacaa ka soo jeestay ayuu xidhiidhka uu Soomaalida kale la yeelan doono ka hadlay, wuxuuna ka waaniyey dadweynihii arrimo badan oo had iyo jeer gocasho keena , wuxuu u sheegay in dhibaatooyin badani dhaceen isla markaana hore looga gudbo oo qaab siyaasadeed loo hawl galo weedh ayuu adeegsaday” Rag waxaa ugu liita ciilkii kama kore“ waa lay dilay inaga daaya ayuu yidhi.
Ka hor Siilaanyo waxaan in badan ka dhagaystay Idaacadaha, waxaana wararkiisa kala socday wargeysyada maalintaas dadkii uu toos ula hadlayey aragti aanan markii hore ka qabin ayaan koobtii kala soo noqday, aragtida gooni isu taaga anaggoo ku kala duwan ayaan waxaan aaminsanaa isaga oo caafimaadkiisu taam yahay hadduu xilka qaban lahaa wax badan in uu bulshada ka badeli lahaa, hasa yeeshee sidii Xirsi sheegay muddo yar markuu xilka hayeyba isbadel caafimaad ayuu dareemay oo laga dareemay, waxaana gacanta hawlaha ku hayey in dhaw garad badan, indheer garadkiina goobta waa ka baxay.
Cabdiraxmaan Tuur ilaahay hawnaxariistee in badan ayaan kala socday warbaahinta, waraysiyo badan oo wargeyso badani la yeesheena waan akhriyey qaarkoodna kayd ayaan ku hayaa xilliyadii uu xilka hayey”Somaliland“ iyo xilliyaddii ka danbeeyeyba wuxuu ahaa nin xog ogaal ah markuu hadlayana waxbadan xeeriya lagana faa‘iidi jiray waraysiyadiisa xogo badan.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ilaahay hawnaxariistee wuxuu ahaa waayo arag soo joogay goobo ay yarayd cid joogtay, markuu hadalayo sheeko kasta oo uu soo qaado waxay ahayd mid taariikh iyo isu soo dhaweyn xanbaarsan marka uu arko xaaladdu halkay marayso wuxuu odhan jiray xilli ay noqotaba Soomaali waa tii isu soo noqon, ilaa Hadda Khudbadihiisii laga duubay waa la dhagaystaa oo dib laysu xasuusiyaa.
Dhammaantoodna waxay ahaayeen Cigaal, Tuur, iyo Siilaanyo rag ka soo qabtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya xilal culculus,siyaasadda iyo rag iska dhicin ayaa loolankan siyaasadeed galisaye ismay lahayn fari togdheer ayey idinla xuli .
Muuse Biixi ”Wamaa adraaka maa Muuse Biixi“, Muuse Biixi waa nin oday ah hasa yeeshee hummaagii iyo haybadii hoggaaniye ee ay ku lahaayeen sadexdaas oday bulshaday isku fekerka ka ahaayeen gooni isu taaga malaha, Muuse marka uu hadlayo ee uu dadweynaha ka hor hadlayo wuxuu u hadlaa sidii oo uu u khudbadeynayo jifi reer Samatar ah, had iyo jeerna malaha khudbadihiisu soo jiidashadii sidii Cigaal , Cabdiraxmaan Tuur iyo Siilaanyo inkastoo Siilaanyo intuu xilka qabtay waraaqo ka akhriyayey xasuusta aawadeed, waxaa hubaala in Muuse Biixi hadalkasta oo uu yidhaahdo uu ku kasbado mucaarado hor leh, taasi waa dadka ay isku fikirka ka yihiin aragtida ” Somaliland“ bulshooyinka kalena dhufsane yare ay wadaagaan ayaa aad u yar, halka Cigaal iyo Cabdiraxmaan Tuur ay ka ahaayeen rag dhinacyada kale garasho dheeraad ah ay isu lahaayeen.
La taliyayaasha Muuse Biixi kalay talo kumay yaraysan laakiin waano iyo Abuur abuur ayaa horaysay.
Cabdiraxmaan Tuur ilaahay hawnaxariistee wuxuu ahaa nin dalka Soomaaliya xilal kala duwan oo dumlaamisayadeed ka soo qabtay, xaaladdo badan soomaray
By Asad Cadaani