Sida ay inoo xaqiijiyeen Dad kusugan magaalada Jig jiga waxaa maanta halkaasi gaaray Ciidan Hubeysan oo katirsanaa Jabhada ONLF.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Daawo Video
Ciidankani waxay sheegeen inay soo dhaweyn qurux badan kala kulmeen Madaxda Dawlada Itoobiya ay umagacowday Dawlad Deegaanka Soomaalida.
Boqolaal katirsan Jabhada ONLF ayaana lagu soo dhaweeyey Jig jiga kuwaas oo ka yimid dhinaca Magaalada Asmara Ee Caasimada Dalka Ereteria oo sanadihii lasoo dhaafay ay deegaansanayeen.
ONLF iyo Madaxda Dawlad Deegaanka Ee Mustafa Cagjar hormuudka u yahay ayaa galay heshiis,taas oo la sheegay in isku soo dhawaanshiyo siyaasadeed ay timid.
Fiiladaan waxaa soo xiray Abiy Axmed Cali R/wasaaraha Itoobiya oo siyaasad fur furan la yimid Dalka markii bishii April Sanadkaan xilka uu kala wareegay Haila Mariam Desegln