Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Halkan Ka Daawo Video

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya.

Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa.

Dhanka Kale Muuse Biixi OO maanta Ka hadlaayay Magaalada Burco waxaa uu Afka U Kala qaaday Si cadho leh oo laga dareemaayo sida dawlada soomaaliya u soo xidhxidhay maamulka SNM.