War Deg Deg Ah:Booliska Johannesburg Oo Xidhay Xafiis Somaliland Furatay,

Booliska magaalada Johannesburg ayaa goor dhoweyd albaabada u laabay xafiis bilaa sharci ah oo ay Somaliland ka furatay, waxaana xabsiga loo taxaabay nin dhex hurday xafiiska.

Sida wararku sheegayaan booliska oo wareegaya xaafado ka mid ah xaafadaha magaalada Johannesburg kuwa ugu amniga xun ayaa ku soo baxay calan ka dul taagan guri sandakhad ah kaas oo aan ahayn caalanka Koonfur Afrika.

Booliska ayaa ku soo leexday guriga uu calanku ka taagan yahay, markay garaaceen albaabka, ayaa waxaa ka furay nin hurdaysan oo sarkhaansan oo xafiiska dhex hurda, booliska ayaana weydiiyey su’aalahan:

Booliska: Calankani muxuu yahay?
Safiirka: Waa calanka Somaliland.

Boolsika: Anagu waxaanu naqaanaa Soomaaliya ee ma naqaan Somaliland.

Booliska: Adigu maxaad ahayd?
Safiirka: Waxaan ahay safiirka Somaliland.

Booliska: Ma haysataa warqadii ogolaanshaha ee ahayd inaad wadanka safaarad ka furato.
Safiirka: Maya!

Booliska: waxaad ku xad-gudubtay qaranimada iyo sumcada Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, waxaad sameysay been abuur. Waxaanu kuu qaadaynaa xabsiga, xafiiskana waanu xidhaynaa, waxaanuna kugu samaynaynaa baadhitaan. Kadibna waxaanu kugu qaadaynaa ciqaabta aad mutaysato