War Deg Deg Ah:Xaalada Tukaraq Oo Kacsan iyo Jabhada Caare Oo Xidhay Wadada Burco iyo Ceerigaabo.

Garoowe{Khaatumonews} Wararka Hada Naga soo gaadhaya Jiida Hore Tukaraq ayaa sheegaya in Ciidamada  Huwanta Daarood EE Puntland Khaatumo Ay Isku Diyaarshen Dagaal xoogan Oo lagu Qaado maleeshiyaadka Jeegaanta.

 

Caasimada Puntland Ee Garoowe iyo Deegaano Badan oo kamid ah waxaa Ka soo Qulqulaaya ciidan Xoogan Oo Xoojinaya ciidankii Hoe ugu Sugna Jiidaasi.

 

Dhaqdhaqaaqan oo  saacadan Ka socda Jiida ayaa yimid Kadib markii Hogaamiyaha Maleeshiyada SNm muuse Biixi Uu Qorsheeyay In uu safar Ku yimaado Gobolka Sool iyo sanaag.

Dhnka kale Waxaa Ciidamada Huwantu Ga’doomiyen maleeshiyaadka SNM Ee Ku Sugan Tukaraq.

 

Koonfurta gobolka sool ayaa iyana Laga cabsi qaba In Uu Ka Qarxo dagaal Salka Ku Haya Xiisadan IYadoo Ay Ku Sugan yihiiN koofurta Sool Ciidamo xoogan oo kamid ah Huwanta Oo Ka qeyb ah Qorsha dagaalka Xoreenta Sool.

 

Warar Hoose KHaatumo news Helayso ayaa sheegaya In Dhanka Gobolka sanaagn uu Ka jiro Abaabul xoogan Oo Ciidamada Huwanta Jabhad Garxajis iyo Hartiga Gobolkaasi Isku Diyaariyen Dharbaaxo Ka dhan AH maleeshiyada Jeegaanta,Waxana Wararku  intaas ku darayan in Jidka Isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo Go’an yahay.

 

Safarka Muuse Bixi Ee Gobolada Sool iyo sanaag ayaa Guul u ah Muuse iyo jeegaanta Hadii  ay Suuro gasho inay Si nabad galyo ah  ku Damashadan,