600 War Deg Deg Ah:Kenya Oo War Culus Ka Soo Saartay Dhismaha Darbiga xuduudda Soomaaliya | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Kenya Oo War Culus Ka Soo Saartay Dhismaha Darbiga xuduudda Soomaaliya

Nairobo{Khaatumonews}Guddiga Difaaca baarlamaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbiga xuduuda ay la wadaagaan dalka Soomaaliya uu si wanaagsan kaga socdo halka laga dhisayo.

Guddiga ayaa warbixin ku sheegay in ciidamada difaaca Kenya ay la shaqeeyaan dadka dhismaha wada, waxaana xildhibaanada ay safar ku tageen magaalada Mandheera si ay u hubiyaan sida howsha u socoto.

Xildhibaanada ayaa u kuurgalayay sida darbiga dhismahiisa u socdo, caqabadaha jira iyo aalada casriga ah ee loo baahan yahay si darbiga loo dhameystiro.

Guddoomiyaha guddiga difaaca Kenya Katoo Ole Metito ayaa sheegay inay u kuurgalayeen aragtida shacabka ay ka qabaan in ciidamada Kenya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, ayna qiimeynayeen sida howsha darbiga u socoto

Xildhibaanka Bariga Mandheera laga soo doorto Xildhibaan Cumar Sala ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in dadka deegaanka Mandheera ay doonayaan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya, iyadoo ay ugu wacan tahay weeraro badan oo argagixiso ah.

Guddoomiye ku xigeen magaalada Mandheera Maxamed Caraay ayaa sheegay in tan iyo markii la dhisay Darbiga aysan jirin weeraro Al Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Mandheere ee dalka Kenya.

Ingineero kamid ah ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in la dhisay 12 Km oo darbiga ah, taasina ay keentay in la xaqiijiyo inay difaac adag u noqon karto ciidamada difaacaya dhanka xuduuda.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...