War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Sool iyo sanaag Ku Soo Wajahan iyo Dagaalkii ugu Cusla Oo Loo Diyaarshay,

Laascaanood{haatumonews}Madaxweynaha Maamulka  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safarkiisi u horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay ugu baxay dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

Biixi ayaa sida wararku sheegayaan ku wajahan gobolada  Sool iyo Sanaag,balse waxaa la filayaa in uu ku hakado xarunta gobolka Togdheer ee Barco.

 

Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid loogu kuur-galayo xaaladda gobolada bari ee Mamulka Somaliland,waxaana degaannada uu booqanayo kamid ah dhulka Reer Khaatumo,

 

Gobolka Sool oo kamid ah meelaha la qorsheeyay in uu booqdo Muuse Biixi  ayaa waxaa in mudda ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa labada maamul,taas oo markii horeba ka qaraxday amar uu bixiyay mudane Biixi.

 

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa in ka badan 10 bilood isku’ horfadhiyaa degaanka Tukaraq halkaasoo dagaallo qaraar ku dhex mareen tan iyo markii Somaliland qabsatay tuuladaasi 8 Jennaayo 2018.

 

Waxaa jirta cabsi ay dadka degaanku ka qabaan in Muuse Biixi mar kale sabab u noqdo dagaal ka dhex qarxa ciidamada is-hor fadhiya,haddii uu booqdo gobolka Sool.