War Deg Deg Ah::Xukuumadda Soomaaliya Ku Dhawaaqday War Dhabar Jab Ku Ah Turkiga Laguna Garab Istagaayo Sucuudiga .
Muqdisho{Khaatumonews}Mar labaad waxay xukuumada nabad iyo nolol ku talaabsatay arrin aanay ku ma talin shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ku kasbanayso colaad siyaasadeed mid shacabka ay ma tasho, waxay wasaaarada arrimaha dibada ee Soomaaliya saartay war saxaafadeed ay ku taageerayso aragtida Sucuudiga ee ku saabsan baadhitaankii dilkii waxashnimada ahaa ee lagula kacay Jamaal Khashaqji.
Xukuumadda Soomaaliya waxay ammaantay baadhitaanka ay Sucuudigu ku sameeyeen arrinta dilka Jamaal waxayna Soo dhaweeyeen aragtida Sucuudiga.
Waa markii labaad ee xukuumada Soomaaliya talaabooyin aan dani ugu jirin bulshada Soomaaliyeed ay ku talaabsato ee arrinta Saxafiga la googooyey ee la aaminsan yahay in aysiidh lagu dhalaaliyey musqushana la raaciyey.
Dawlada kale ee aynu saaxiibka nahay ee Turkigu waxay dadaal dheeraad ah ugu jirtaa sidii runta Loo gaadhi lahaa arrinta Jamaal Khashaqji, waana dawlad ku foogan siday ciidanka Soomaaliya u dhisi lahayd , arrimahaas oo dhan waxay xaaladda ka dhigayaan in ay tahay mid laga aamuso oo aanay Soomaaliya faro gashan.
Arrinahani waxay sii xoojinayaan kala shakiga dalalka Soomaaliya iyo Turkiga , bulshada Soomaaliyeedna lama qabaan aragtidan xukuumadda Soomaaliya, waana tilmaamaha muujinaya dhaliilaha ka jira arrimaha dibada ee muuqda.