War Deg Deg ah:-Qarax Lala Beegsaday Cutubyo Ciidanka Puntland ah.

Wararka imaanaya inta u dhexeysa Buuraleyda Galgala iyo Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qarax miino ay la eegteen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

War ay Shabaab ku daabaceen Baraha ay wararka ku faafiyaan ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaari ay sarnaayeen ciidamada puntland ay qarax kula eegteen Buuraleyda Galgala, waxaa ayna sheegeen in ay gaari uu ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gobeen gaari ay leeyihiin Ciidamada Puntland, islamarkaana ay khasaari lixaad leh ay gaarsiiyeen Ciidamada.

Sedex Askari ayay sheegeen in ay ku dhaawaceen Qaraxa ka dhacay Gobalka Barri.

Ciidamada amaanka Puntland iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish waxaa ay dhowr jeer ku dagaalameen Deegaano ka tirsan Gobalka Barri.