War Deg Deg Ah Daawo Video:-Guumaysi Ka Dilaacay Hargaysa.

Hargaysa{Khaatumonews}Shacabka Danyar ah Ka Deyda Nolol Maalmeedka Baaburka Taksiga ah Ee loo Yaqaan Dukhaanta ayaa Hore Maamulka Muuse Biixi ugu Diiday in ay Ka Baxan hargaysa.

Halkan Ka Daawo Video

Amarkii hore Loogu Diiday gadiidka yaryar inay ka Baxan Hargaysa waxaa Xigay In maanta Loo Diido Ama laga Mamnuuco Inay Maran wadada Halbowlaha ah ee hormanta Madaxtooyada Muuse Biix.

 

“Waxaanu u aragnaa Kicin dad wayne, ma garanayno wax nagala Baadhayo, Waa HANDARAABKII la sheegay, Wayna soo Oodantay, Goboladii waa naloo diiday, Hadana magaaladii ayaa Naloo diiday, Anagu ma Argagixiso ayaanu Nahay “ Ayuu yidhi mid kamid ah Gaadiidleyda.

 

Dhanka Kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka SNM Mr Xiis ayaa Isna Ka hadlay Talaabadan ay ugu Awood Sheegnayan Dhalinyarta Ka dhigatay Shaqada takasida wuxuuna Hadalkiisa Bilow ilaa Dhamaad Ku Gunaanaday Waan Xidha iyo Hanjabaad,

 

Lama Garan Karo inta uu Ku Si Socon Doono Shacabka Hargaysa Maamulka Muuse Awooda iyo Guumaysiga Uu Ku Hayo.