Maqaal:Iyadoon la Adimin ayey xukuumadda Nabad Iyo Nolol Tukatay

LOndon{Khaatumonews}Xilligii uu Xaafid Al-Asad Suuriya xukumayey ayaa koox wadaado ahaa oo Ikhwaan Muslimiin u badnaa oo ciidanka Suuriya ku jiray is tuseen in ay hawl galo samayn karaan ay dalka ku qabsan karaan sanadkii 1982dii, kacdoon ayey ka sameeyeen magaalada Xamaah ee Badhtamaha Suuriya ku taala, Xaafid Al-Asad dhulka ayuu iyaga iyo magaaladiiba la simay.

 

Nin ka mid ahaa raggii xilligaas isku dayey hawlahaas ayaa muddo danbe la waraystay wuxuu yidhi oo hadalkii ku soo koobay” Waxaanu tukanay iyaddoon la adimin”.

 

Soomaaliduna waxay tidhaahdaa “Salaad walba xilligeedaa la tukadaa”.

Xaalad kasta siday tahay ayaa loola falgalaa, dal aan gudaha ka mideysnayn , xuduudihiisa gacanta ku hayn, dastuur rasmiya oo dhamaystiran lahayd, ciidan lahayn, dhaqaale uu dalalka kale kula tartamo lahayn, in uu galo heshiisyo masiirka bulshada iyo dhulka saamaynaya waxay la mid tahay iyada oo la tukanayo Adimaada horteed.

 

Xukuumadda Soomaaliya haday diiday in maamul goboleedada mid mid loo gacan tugaaleeyo, waa arrin wanaagsan hasa yeeshee hadda waxaa muuqata in dalkiiba dhammaantii la gacan tugaalaynayo, oo isaga oo Jumlad ah kilkilada la gashanayo ummadduna aanay waxba ka ogayn, waxay aniga ila tahay in lagu sii siqayo marxalad adag oo kuwii hore ka duwan kana khatar badan, waana arrin waajib ku ah muwaadinkasta oo qayuur ah in uu dhugmo u yeesho arrintan, waana mid aan lagu halayn karin xukuumadda maanta jirta in masiirka iyo jiritaanka Soomaaliya mugdi galiso.

 

Xukuumadda waxaa la gudboon in ay heshiisyada khatarta ku ah bulshada Soomaaliyeed aanay ku dhiiran, ee ay qaabka ugu habboon ee ay uga faa’iideysan karto isbadeladan geeska Afrika ka socda ula falgasho, haddii ayse xukuumaddu isku tuurto laabta Itoobiya iyo Abey Ahmed iyada oo aan wax socda bulshadu ka war qabin halisteeda ayey leedahay, Abey Axmed wuu ogyahay wuxuu doonayo wuuna cadeystaa, xukuumadeenuse waxa kaliya ee ay rabtaa waa in maamul goboleedada Adis-Ababa iyo Kenya laga soo xidho warqad cadna ay la hoos ordayso Itoobiya oo ay waxay doonto ku qoroto loona saxeexo.

Khaatumonews.com