Deg Deg Daawo Sawiro;Fadeexad Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya U Soo Diray OO Diiday In U Galo Madaxtooyada Soomaaliya,Sababta Ogow?!

Muqdisho{Khaatumonews}Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magacawday Soomaaliya Amb: Donald Yukio Yamamoto.

 

Safiirka cusub ee Mareykanka wakiilka uga ah Soomaaliya Yukio Yamamoto ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya warqadaha aqoonsiga uu ka gudoomay, waxa uun abalan qaaday safiirka in uu ka shaqeyn doono xoojinta Xiriirka labada wadan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa safiirka cusub ee Mareykanka kusoo dhaweeyay Soomaaliya, waxa uuna u balan qaaday in dowladiisa si wanaagsan ula shaqeyn doonto.

 

Safiirkan Maanta Madaxweynaha Qaranku Qaabilay ayaa Diiday in Uu madaxa galiyo ama Xaflada Qaabilaadu ka dhacdo aqalka Madaxtooyada soomaaliya isagoona xaalad amaan aawadeed sheegay in uusan U Gali karin Madaxtooyada.waxaana xafladu ka dhacday Xerada Xalane Konteenedhan Ku dhex yaal iyadoo intaas ay dheer tahay in markii Laga Gudoomay waraaqaha uu Dib ugu laabtay Nairobi,

 

Isku Soowada Duubo  Xukumada Marayanka  ayaa Kamid ah Dalalka Sida weyn uu bahdila Jamuuriyadda Soomaaliya Islamarkaana Muujiya Inta Badan in dalka Soomaaliya aan la isku haleen karin.