Wakaaladaha wararka waxay shalay ilaa saaka qorayaan war odhanaya Maraykanku wuxuu dalkiisa doonayaa in uu ka soo masaafuriyo Fatxulaha Golan oo ah wadaad u dhashay dalka Turkiga oo madaxweynaha Turkigu Erdogan aad ugu dhagan yahay aaminsan yahayna in uu Afganbigii 2016 isagu ka danbeeyey.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Waxaanu Maraykanku arrintan u danaynayaa sida wakaaladuhu qorayaan sidii uu Turkigu uga yarayn lahaa cadaadiska uu ku hayo si loo ciqaabo Sucuudiga dilkii Jamaal Khajaqshi , isla markaana Sucuudiga lagu cadadiyo in ay ka run sheegaan dilka Khashaqji , taas oo la rumaysan yahay in ay keeni karto in ay Maxamed Bin Salman eedu gasho, Maraykankuna uu u arko Maxamed Bin Salmaan hibo ilaahay siiyey oo u ah Sac u irmaan dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada oo aysan marna cidla kaga dhaqaaqi karin, lana xannaanaysan karo 50 sanno ee socda Boqorka kolkuu noqdo.
Turkigu wuxuu sheegay in aanay labada arrimood shaqo isku lahayn, baadhitaanka arrinta Khashaqji in ay wadayaan , arrintan Fatxilah Golan-na ay tahay mid ka madax banaan, waxaa iyana muuqata in Sucuudigu doonayo in uu dil degdeg ah ku fuliyo shan ka mid ah 15kii lagu soo eedeeyey dilka Jamaal, si hawsha Jamal Khashaqji loo soo afjaro, Maraykanka iyo cidii kale ee danaynaysa Sucuudiguna ku doodaan Sucuudigu dadkii hawsha fuliyey waajibkooduu mariyey.
Turkigana markaa laba talaabo mid la gudboonaatay, in uu danihiisa dhaqaale iyo Fatxi allah Golan ku ekaato magdhawna la siiyo qoyska Jamal, ururada xaquuqal Insaankuna sidoodii eedaymo wadaan iyo in uu Turkigu aragtida uu Hadda ku taagan yahay ku adkaysto, waxaana Turkiga ku bilowday weerar kaga imanaya dhinaca qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka sida Faransiinka oo Turkiga ku eedeeyey in uu xogta dilka Jamaal Khashaqji siyaasad u adeegsanayo.
Waxayse u eegtahay in Maraykanku labada arrimood isku gudbayo ee aanu Erdogan arrinta Jamaal qaabkan uga hadhi doonin, warka oo aad loo wadwado waxay arrimuhu kala haddaan marka Fatxi allah Golan arrinihiisa la guda galo.