War Deg Deg Daawo Video:Wasiirka Difaaca Yuhuuda Oo Iscasilay Sababta Ogow,

Maalmihii lasoo dhaafay marinka Gaza iyo dhulka Yahuuda xooga uga heesato Falastiin waxaa ka socday isku dhacyo iyo duqeymo ay is dhaafsanayeen Ururka Xamaas iyo Ciidamada Maamulka Isra’il.

Halkan Ka Daawo Video

Heshiis Xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo colaada soo cusboonaatay ayey aqbaleen Ururka Xamaas iyo Maamulka Isra’il, waxaana heshiiskan uu yahay mid looga hortagayo in xaalka uu faraha kasii baxo.

 

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa iska casilay xilkii uu hayay, waxa uuna Wasiirka ka carooday heshiiska xabad joojinta ee Isra’il la gaartay Ururka Xamaas ee u dagaalama xureynta dhulka Falastiin.

 

Avigdor Lieberman ayaa xabad jooojinta lala galay Ururka Xamaas ku tilmaamay in la isku dhiibay argagixisada, waxa uuna ku hanjabay Wasiirka is casilay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowlada.

 

Labadii maalin ee ugu dambeys ayaa israa’il iyo Ururka Xamaas is weedaarsanayeen duqeymo kala duwan, waxaana duqeymaha iyo hubka culus ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray