War Deg Deg Ah:Col, Gabre Oo Xabsiga La Dhigay,

Adis Ababa{Khaatumonews}Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada ammaankua ay xabsiga dhigeen Col Gebregziabher Alemseged Abraha oo ahaa Sarkaal sare oo katirsanaa Urur Gobaleedka IGAD, si weyna saameyn ugu lahaa siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, kadib xilka qaadis dhowaan lagu sameeyye.

Sarkaallkaan oo siweyn looga yaqaan Soomaaliya ayaa kamid ahaa 160 Jeneraalo, Saraakiil, Agaasimayaal iyo Maareeyayaal iskugu jira oo katirsanaa dawladda Itoobiya, loona haysto dambiyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha, Musuqmaasuq iyo Kutakrifal awoodeed.

Col, Gabre ayaa laga qabtay guri kuyaala agagaarka Hotelka Hilton ee magaaladda Addis Ababa, isagoo u muuqday in uu ka baxsanayay ciidamada Amniga ee dalka Itoobiya oo baaris xoog leh ku waday.

Wuxuu Col Gebregziabher Alemseged Abraha oo Soomaalidu u taqaan Gabre aad ugu caanbaxay faragelinta arrimaha Soomaaliya iyo ku lug lahaan shaha isbedeladii siyaasadeed ee ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Col Gebregziabher Alemseged Abraha ayaa katirsanaa kooxdii TPLF ee Tigree-ga ahayd haysatayna awooda dalka Itoobiya, taas oo uu jaanis wanaagsan uga helay faragalin qaawan oo lagu sameeyey arrimaha gudaha ee Soomaalida