MUQAALKA;–Fadeexad Duqa Muqdisho Ka dhex Niikinaya Jabuuti Dhiigi Shacabka OO Wali Qoyan
Muuqaalo lagu baahiyey internet-ka ayaa muujinaya duqa magaalada Muqdisho Injineer Yariisow, oo ka heesaya kana cayaaraya xaflad dhowr habeen ka hor lagu qabtay magaalada Jabuuti.
Halkan Ka Daawo Video
Yariisow ayaa la arkayey isaga oo ku cayaaraya kuna luuqeeynaya heesta Doon baa mareyso, ee uu horey u qaadi jira Cabdullaahi Sulfa. Heesta ayaa waxaa marka hore billaabaya fanaan kale, hase yeeshee markii ay cabaar socotay ayaa waxaa kala wareegaya Yariisow oo heesta qaaday.
Yariisow ayaa dhowr maalmood u joogay dalka Jabuuti ka qeyb-galka shirka duq magaalooyinka Islaamka, oo halkaas ka dhacay.
Heestan ayaa la rumeysan yahay inuu Yariisow qaaday laba ama saddex maalin kadib weerarkii Jimcihii lagu qaaday hotel-ka Saxafi ee magaalada Muqdisho, oo lagu dilay ku dhowaad 40 qof oo shacab ah.
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.