Waxka ogoow Albaabada ay dowladu soo xirtay !!!
London{Khaatumonews}Waxaan maanta halkaan kusoo Gudbineynaa 4 albaab oo ay dowladu soo xirtay , albaabasaas oo ahaa kuwo dhibaato wayn ku haya dowladnimada soomaliya
Waana sidana so socota ;
* WADAMADA DARISKA AH
Mudo badan kadib waxaa gabi-ahaanba istaagay faragalintii qaawanayd ee ay dowlada dariska ah ku hayeen soomaliya
Majiro maamul goboleed ama siyaasi shir toos ah la gali-kara kenya , Ethioipia & IWM , waxaana oran karnaa waa arin xiligeedii dhamaaday
Iswaydii – Goormaa kugu damabysa maamul-goboleed dalalka dariskaa la shiraya ?
* DOWLADAHA CARABTA
Kadib Murankii siyaasadeed ee u dhexeeyay Imaaradka iyo dowlada soomaliya , waxay carabtu ogaadeen inan nahay dowlad wax diidi-karna waxna ogolaan karta
Lacag lagu qiyaasay 10million oo ay imaaradku Muqdisho kasoo dajiyeen ilaa hada waxay ku jirtaa bank ga dhexe ee dowlada kadib markii imaaradku cadayn wayay sababta uu dalka usoo galiyay lacagataas , waxayna arintaa noqotay mid hurdada ka toosisay dowladaha carabta
Hada marka waxaad moodaa in dowladaha carabta ay ku kala tartamayaan “ Soomaliya anaga ayay garabkeena tahay “ , Madama aan yeelanay saan-saan dowladnimo
* SOOMALILAND IYO SOOMALIYA
Waxaa jiray mashruuc caalamka lacago looga cuni-jiray oo loogu magacdaray “Wada-hadalka soomaliya iyo soomaliland “
Majirin wax kasoo baxa wadahadaladaas , markii laga reebo deeqo la waydiisto beesha caalamka iyo arimo siyaasadeed oo keena kala fogaansho hor-leh , balse ugu dambayntii mashruucaas waxaa so xiray dowlada hada jirta
* MOOSHINKII
Mooshinku wuxuu ahaa meel caruurta laga biisho , wuxuu ahaa qorshe sanadkii dhowr mar lagu kala goosto malaayiim doolar
Waxaa lacago badan ku bixin jiray dowlada carabta ayagoo loo sheegayo in la keeni-doono shaqsi danahooda fuliya
Dadka qaar ayaa aaminsan in jawaari uu ahaa shaqsigii ugu waynaa ee arimahaas ka macaashi jiray , balse tagitaankiisii kadib waxaa mesha ka baxay mooshin la keeno iyo cid ka hadlaysa toona , taasina waxay meesha ka saartay musuqmaasuqii faraha badnaa
Iswaydii – goormaa kugu dambaysay madax isqilaafta iyo xildhibaano mooshin wada iyo beesha caalamka oo dowlada ?
Ugu damabayn Waxaa ii muuqata in dalku uu noqon doono mid kusoo laabta hanankii dowladnimo ee uu lahaan jiray , waa hadii shaqada hada socota ay sii socoto
( Fadlan hadii qormadaan aad u aragto mid dadka u faa’iidaynaysa sii gudbu oo #Share dheh )
Hussein Jama