War Deg Deg Ah:-Askari Toogtay Labo kamid Ah Ciidanka Puntannd,
November 14, 2018
Askari ka tirsan ciidamada badda ee (PMPF) ayaa toogasho ku dilay laba askari oo kale,kuwaasoo kala tirsanaa ciidamada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha PMPF.
Shakhsiga dilka u gaystay labada askari ayaa sida wararku sheegayaan ka carooday hadal ay kula kaftameen, xilli ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah, waxaana dilkaasi ka dhacay magaalada Boosaaso.
Ilaaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka badda Puntland ee(PMPF) oo faahfaahin looga bixiyay dhacdadaasi.