Kismaayo{khaatumonews}Ra’iisul Wasaarihii hore Xukuumadii Hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta gaadhay magaalada Kismaayo, Iyadoona Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo saraakiil kusoo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana loo galbiyay Guriga Martida.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Ilo kala duwan ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka Cali Maxamed Geeddi ee Kismaayo inuu yahay sidii uu ugu gogol xaadhi lahaa wada hadal dhex mara dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, si uu ugu qanciyo wada hadalka dowladda Federaalka.
Cali Maxamed Geeddi ayaa ka mid ah siyaasiyiinta la dhacsan dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo taageero u muujiyay.
Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ayaa ka soo bilowday Jubbaland, kaddib markii Saraakiil ciidan oo dowladda Federaalka u dirtay Kismaayo dib loo soo celiyay.