Deg Deg Daawo VIdeo:Musharax Garoowe Digniin Uga Diray Farmaajo iyo Khayre.

Muhsaraxa madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 Eng Maxamed Cabdullaahi Xaaji Xuseen Shoortaaye ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe.

Halkan Ka Daawo Video

Musharax madaxweyne Eng Shoortaaye oo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa aysa ayaa waxa uu ugu horayn sheegay in Puntland ay u baahan tahay inay adkaysato midnimada iyo kala-dambaynteeda.

 

Musharax ayaa ugu baaqay isimada dhaqanka inay Alle ka cabsadaan soona xulaan xildhibaano dooran kara madaxweyne maanta samata bixin kara Puntland ee aan fiirin kaliya jeebkiisa.

 

Dhinaca kalena, musharaxa ayaa uga digey dowladda federalka ah ee Soomaaliya inay faragelin ku samayso doorashada madaxtinimada Puntland, wuxuuna sheegay inay shaatigooda ka ilaashadaan aysanna ku deg degin maadaama Puntland ay tahay maamul gaamurey