600 War Deg Deg Ah::-Saraakiisha ka dambeysay weerarkii Abiy Ahmed oo la ogaaday iyo Ethiopia oo war culus shaaciye | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::-Saraakiisha ka dambeysay weerarkii Abiy Ahmed oo la ogaaday iyo Ethiopia oo war culus shaaciye

Adis Ababa{Khaatumonews}Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Ethiopia ayaa maanta ku dhawaaqay in xubno sar sare oo ka tirsan laamaha amaanka ay amreen weerar ka dhan ah ra’iisul wasaaraha dalkaasi, isaga oo sheegay inay xabsiga dhigeen saraakiishaasi islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono.

xeer ilaaliyaha Ethiopia Berhano Tsegaye, ayaa sheegay in cadeymo la helay ay muujinayaan in “Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka” ay ku wargeliyeen xubno ku qabiil ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed kana soo jeeda Oromada inay qorsheeyeen inay weeraraan Ra’iisul wasaaraha Bishii June ee sanadkaan.

 

Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in lasoo saaray amar lagu xirayo 36 sarkaal oo ka mid ah laamaha amaanka oo lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen maxaabiis, iyadoo inka badan 30 oo ka tirsan Meletariga la sheegay in lagu hayo dambi ah maamul xumo.

 

Bishii June Bam gacmeed oo la tuuray ayaa labo ruux ku dilay magaalada Addis Ababa, wax yar kadib markii Abiy Axmed uu ka tagay goob uu khudbad ka jeedinayay, waxaana la sheegay in shan ruux bishii September loo xiray.

“Cadeymaha aan soo ururinayay waxay muujinayaan in saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka, ay jiheynayeen Oromada inay weerarka fuliyaan, maxaa yeelay waxay ka damacsanaayeen in Ra’iisul wasaaraha oo Oromo ah Oromo ayaa dishay”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Ethiopia.

 

Xeer ilaaliyaha ma uusan shaacin magacyada saraakiisha, sidoo kale si cad looma xaqiijin tirada dadka loo xiray kiiskaan, laakiin wuxuu sheegay in dad kale oo arintan ku lug leh inay isaga carareen Ethiopia, halka kuwo kalana ay is qarinayaan

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...